TOP DHAGEYSO: Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Saldhigyo ku yaala Beydhabo

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta kormeeray saldhigyo ku yaala magaalada Beydhabo ee gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo maalinkii Labaad ku sugan magaalada Beydhabo ayaa ujeedka safarkiisa waxa uu yahay in uu maalinta berri ah Tababar u soo xiro ciidamo in mudo ah magaaladaasi Tababar ku qaadanayay.

General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta kormeeray xarumaha ugu waa weyn ee ciidanka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin Beydhabo sida Saldhigyada, Fariisamaha ciidanka, Goobaha ay ku xareysan yihiin ciidanka iyo Goobo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn waxa uu Ciidanka Koonfur Galbeed kula dar daarmay in ay adkeeyaan amaanka magaalada Beydhabo sidoo kalena ay ka feejignaadaan weerarada Shabaab mararka qaar ka imaan kara.

 

HALKAAN KA DHAGEYSO