TOP DHAGEYSO:- Madaxweynaha Khaatumo oo ka hadlay Wada hadalka ay la leeyihiin maamulka Somaliland

0

Cali Khaliif Galeyr oo ah Madaxweynaha Maamulka Khaatuma ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay wada hadalo la sheegay in ay u socdaan maamulkiisa iyo sidoo kale maamulka Soomaaliland.

Madaxweyne Galeyr ayaa waxa uu sheegay in wada hadaladan looga gol leeyahay in dadka ku nool deegaanada Khaatuma iyo Soomaaliland ay si nabad ah ku wada noolaadaan sidoo kalena loo dhameyn lahaa khilaafaadka u dhaxeeya.

Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr aya sidoo kale sheegay in wada hadaladan ay yihiin kuwo bilow ah, waxaana uu sidoo kale uu sheegay in ay yihiin kuwo sii socon doona oo la rajeynayo in guul laga gaaro.

Maamulka Khaatuma ayaa horey u sheegay in wada hadaladan kuwa xiga ay la yeelan doonaan maamulka Puntland.

Gobolada Sool iyo Sanaag oo uu sheeganayo in uu ka arimiyo Khaatuma ayaa waxaa isku heysta maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

HALKAAN KA DHAGEYSO