DHAGEYSO WAREYSI:- Maamulka Galmudug oo lagu wareejiyay Hadiyad qaali ah oo ka timid Turkiga

0

Maamulka Galmudug ayaa la wareegay Raashin gaaraya 1,200 Tan oo Sokor iyo Bariis isugu jira,kaas oo Dowladda Turkiga ay ugu deeqday Soomaaliya.

Raashiinka ay la wareegtay Galmudug,ayaa la mariyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,halkaas oo uu Markabkii ka qaaday Muqdisho ku xirtay Waxana Kadib Lagu sii Daabulay baabuurta Xamuulka ah ay Xaqiijiyen Madaxda Galmudug

Wasiirka  gargaarka iyo arrimaha Bani’adamnimada Galmudug Shire Xirsi Max’uud oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Galmudug u guddoomay Raashinkaasi ayaa u mahad celiyay Dowladda Turkiga,Dowladda Federaalka ah iyo maamulka Puntland oo dhankooda laga soo geliyay Raashinka.

Waxaa uu Wasiirku sheegay in Raashinkaasi hadda laga dejiyay Gaalkacyo,maalmaha soo socdana la filayo in laga qeybiyo degaannada Maamulka Galmudug.

Dowladda Federaalka ayaa qeybisay Raashin Dowladda Turkiga ugu deeqday Soomaaliyam,waxaana meelaha horay loo gaarsiiyay ka mid ah Jubbaland,Puntland Galmudug iyo Hiiraan iyo  Shabeellaha dhexe oo iyaga wali sugaya.

Inkastoo aan wali Warbaahinta loo soo bandhigin Rashinkaasi Balse Waxa laga War sugaya in Galmudug ay Raashhinkaasi ay soo bandhigto Madama Gargaarka Hay,adaha Samafalka iyo Kuwa DOwladaha somaliya Taagera inta Badan la Musuqmaasuqo

Rashinkan ay la Qorsheynaya in looga Faaideeeyso Dadka u Baahan Waxaanase  Siyaasiyin ka soo jeead Galmduug ay Dalbanaaya in Dowlada ay soo Bandhigto Raashinkaasi ,Madama  Gaargaaradan oo kale la Sheego in si Dad Badan loo musuq maasuqo

HALKAAN KA DHAGEYSO