DHAGEYSO HADAL XASAASI:- Maamulka Khaatumo miyaa looga wacay Shirka Madasha wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho ? Galeyr ayaa ka jawaabay

0

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galleyr,ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in aysan maamulkiisa ka qeyb gelin shirka madasha wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho.

Galleyr,waxaa uu sheegay in muddo 8 Bilood ah uu Muqdisho u joogay sidii maamulkiisa ay u aqoonsan lahayd Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,taas oo uu sheegay in aysan dhicin islamarkaana Albaabadii uu garaacay ee Madaxda Federaalka aysan ka jawaabin.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in Magaalada Caynaba ee Gobolka Sool uu ka furmay wadahadal u dhaxeeya Maamulka Somaliland iyo maamulkiisa Khaatumo,kaas oo uu ku sheegay in uu yahay Shir lagaga xaajoonayo danaha dadka degaanka ee Gobollada Sool iyo Sanaag.

Waxaa uu beeniyay in Wasiirro ka tirsan Maamulkiisa ay ku biireen Maamulka Somaliland,waxaana uu markii Dowladda Federaalka ay ka waayeen wadashaqeyn uu sheegay in ay hadda nabad wax ku raadinayaan gaar ahaan dhanka Maamulka Somaliland.

HALKAAN KA DHAGEYSO