DHACDO XANUUN BADAN:- Haweeney uur leh oo AMISOM ay ku jiireen Muqdisho

0

Kolonyada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa gelinkii dambe ee maanta haweeney uur laheyd ku jiiray Magaalada Muqdisho, iyadoo dhacdadaasi ka dibna ay ka carareen haweeneydii ay dhibaatada u gaysteen.

Dhacdadaan, ayaa waxay gelinkii dambe ka dhacday wadada horumarta Dekeda Magaalada Muqdisho, waxaana Ciidanka Amisom rasaas ka daba Ciidanka Dowladda ee ka hawlgala Dekeda.

Haweeneyda oo la sheegay inay laamiga ka tallaabeysay, ayaa waxaa ku yimid oo dulmaray kolonyadii Amisom, kuwaa oo aan dib u soo eegin haweeneydaasi.

Goobjooge codsaday inaanan magaciisa la soo xigan, ayaa Dhacdo.com u sheegay in maanta ay Degmada Xamar Jajab ka dhacday dhacdo xanuun badan.

“Galabta dhacdo xanuun badan ayaa ka dhacday wadada horumarta Dekeda. Haweeney laamiga goyneysay, ayaa waxaa jiiray baabuurta Amisom oo u socotay dhinaca Isgoyska KM4.” Ayuu yiri goobjooguhu.

Goobjoogaha, ayaa yiri “Haweeneyda waxay ahayd xaamilo, wayna ka carareen Ciidamadii Amisom iyadoo garaab ah. Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ee ku sugan Dekeda, ayaa rasaas ku furay Ciidamadii Amisom, laakiin dib uma soo jeedsan.”

Waxaa uu intaa ku daray “Haweeneyda iyadoo leesla dhex maraayay way dhimatay iyo way nooshahay ayaa laga qaaday wadada.”

Saraakiisha Ciidamada iyo Madaxda Dowladda Somaliya, ayaan weli ka hadlin dhibaatada ay Ciidanka Amisom u gaysteen hooyadaasi Soomaaliyeed. Dhacdadani maaha nooceedii ugu horeysay oo ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Madaxda Qaranka oo aanan ahayn kuwo ad adag, isla-markaana aan Amisom kala xisaabtamin waxyeelada ay u gaysanayso bulshada, ayaa keentay inay markasta si bareer ah ugu waxyeeleeyaan wadooyinka Caasimadda.