DAAWO SAWIRADA:- Arrin aan horay loo arag oo ka dhacday Dalka Turkiga

0

Isu soo bax aan caadi ahayn, ayaa Axadii gilgilay Magaalada Istanbul ee Wadanka Turkiga, ka dib afgambigii fashilmay ee 15-kii bishii hore ee July ka dhacay dalkaasi.

Boqolaal kun oo ka mid ah taageere-yaasha Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa soo buuxiyay Fagaarihii uu ka qabsoomay isu soo baxaan.

Madaxweynaha Turkiga oo ka soo qaybgalay isu soo baxaan, ayaa waxaa ku wehlinaayay Hogaamiye-yaasha Xisbiyada Mucaaradka, si ay ugu muujiyaan sida ay kaga soo horjeedaan afgambigaasi. Dowladda Turkiga, ayaan Siyaasiyiinta Kurdiyiinta ku soo casuumin isu soo baxaasi.

Bannaanbaxaan, ayaa waxaa si wayn loogu cambaareeyay kuwii soo maleygay inqilaabkii dhicisoobay, iyadoo sidoo kalana lagu xusay dadkii ku dhintay.

Fagaaraha uu ka dhacay mudaaharaadka, ayaa waxaa lagu rakibay cod baahiye-yaal, iyadoo Madaxdu ay khudbado u jeediyeen bannaanbaxayaasha.

Shacabka Turkiga, ayaa lahaa sababta fashilka afgambiga, iyagoo si adag ula dagaalay Ciidamadii Militariga, ee loo soo carbiyay inay kursiga ka tuuraan Madaxweyne Erdoğan.

Dadka reer Turki, ayaa waxay muujiyeen taageerada aan caadiga ahayn, ee ay u hayaan Madaxweynahooda.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Istanbul Istanbul1 Istanbul2 Istanbul3 Istanbul4 Istanbul5 Istanbul6 Istanbul7 Istanbul8 Istanbul9 Istanbul91 Istanbul92