DAAWO MUUQAAL: Fadeexad lagu helay Safiirka Somalia ee Biljimka

0

Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Biljamka ayaa ku eedeysay Safaaradda Soomaalida ee xarunteedu tahay Magaalada caasimadda Brussels in ay siisay dad aan Soomaali u dhalan baasabooorka Soomaaliga & Waraaqaha dhalashada Soomaalinimada, sidaa waxaa qoray wargeyska “Vlaams nieuws”.

Wargeyska warbixinta qoray wuxuu sheegay in Hay’adaha qaabilsan qaxootiga magangelya doonka in ay gacanta ku dhigeen kiisaska dad dhowr ah oo sita aqoonsi inay Soomaali yihiin, markii baaritaanno kala duwan la mariyeyna la ogaaday in ay dalal kale u dhasheen, waxaanna arrintaasi ay walaac gelisay Dowladda Biljamka, iyada oo dhacdadii u dambeysay lagu helay dad u dhashay waddanka Tanzania oo haysta dhalasho Soomaali ah.

Hadaba Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Biljemka ayaa iska fogeeyay eedeymahani loo soo jeediyay Safaaradiisa, waxa uuna sheegay inaysan jirin wax sharci aqoonsi ah oo ay siiyeen dada aan Soomaali ahayn.

HALKAAN KA DAAWO