XOG XASAASI:- Xiriirka ka dhaxeeya Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada oo sii xumanaaya

0

Sarkaal ka tirsan ciidamada Xooga dalka Somaliya oo lagu magacaabo Faandhe Jaamac, ayaa sheegay inuu gaabis noqday xiriirka wada shaqeynta ah ee ciidamada Amisom iyo kuwa xooga dalka ka dhaxeeya.

Sarkaalkaan ayaa ku eedeeyay ciidamada Amisom inaysan dooneyn soo afjarida dagaalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, wuxuuna sheegay Amisom inay doonayso Shabaab inaan la soo afjarin.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in ciidamada Dowladda ay baneeyeen deegaano ka tirsan Gobolada dalka Somaliya, taasina ay qayb ka tahay niyad jab ciidamada soo food saartay.

Korneyl Faandhe Jaamac ayaa intaasi hadalkiisa wuxuu ku daray hadii Dowladda Federalka Somaliya mushaarka ciidamada si joogto ah u bixiso, islamarkaana ciidanka niyada loo dhiso shaqada ay hagaagayso.

Faandhe Jaamac oo la hadlay Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Madaxda Dowladda inay ka shaqeeyaan sidii loo tayeyn lahaa ciidamada Xooga dalka.

Xalay ayeey aheyd markii Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan la qaatay Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda, kulankaasi oo ku aadanaa wada shaqeyn dhexmarta ciidamada.