WAR DEG DEG+DAAWO:- Ciidamada Itoobiya oo dilay Lix qof oo rayid ah

0

Ciidamada Dowladda Itoobiya, ayaa lix qof siyaabooyin kala duwan ugu dilay Gobolka Gondar, oo qiyaastii 700km dhinaca waqooyi kaga beegsan Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya.

Ciidamada, ayaa waxaa la sheegay inay rasaasta nool nool u adeegsadeen dadka wada bannaanbaxyada looga soo horjeedo Dowladda Itoobiya.

Saraakiisha Dowladda Itoobiya oo xadiday warbaahinta dalkaasi, ayaan iyagu xaqiijin lixda qof ee lagu dilay Gobolka Gondar, balse ilo wareedyo madax bannaan, ayaa warbaahinta caalamiga ah u xaqiijiyay toogashada ka dhacday Gobolkaasi.

Qowmiyadaha Oromo iyo Amxaarada, ayaa waxay qaar ka mid ah magaalooyinka dalkaasi ka wadaan bannaanbaxyo, ay kaga soo horjeedaan Xukuumadda Itoobiya. Bannaanbaxyaashu waxay dalbayaan inay hellaan garsoor sax ah. Dadka Oromada oo kale waxay dalbanayaan inay Xukuumaddu joojiso gacanta kulul ee ku wajaheyso dadka ku nasab-sheegta qowmiyadaasi.

Tobanaan dadka Oromada ah, ayaa waxaa Sabtidii lagu xiray Magaalada Addis Ababa, ka dib markii ay ka sameeyeen isu soo bax ka dhan ah Xukuumadda.

Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ku wada xiriirto, ayaa muujinaayay askarta oo budadka la dhacaysa bannaanbaxyada, sidoo kalana xoog u adeegsanaaya qab qabashadooda.

Haile Mariam Dessalegn, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, ayaa si kulul u dhaliilay dadka bannaanbaxyada ka wada dalkaasi, waxaana uu ugu yeeray inay midnimada Itoobiya ilaaliyaan.

Ra’iisal Wasaaraha oo la hadlaayay Warbaahinta, ayaa bannaanbaxyada gilgilaaya dalkaasi ku macneeyay mid wiiqaaya midnimada dadka reer Itoobiya, iyadoo uu Ciidamada Booliska uu furay inay adeegsadaan wax kasta oo ay ku baajin karaan bannaanbaxyada ka sii soconaaya dalkaasi.

11 1 2 3 4 5 6

Protesters chant slogans during a demonstration over what they say is unfair distribution of wealth in the country at Meskel Square in Ethiopia's capital Addis Ababa, August 6, 2016. REUTERS/Tiksa Negeri
Protesters chant slogans during a demonstration over what they say is unfair distribution of wealth in the country at Meskel Square in Ethiopia’s capital Addis Ababa, August 6, 2016. REUTERS/Tiksa Negeri
Protesters chant slogans during a demonstration over what they say is unfair distribution of wealth in the country at Meskel Square in Ethiopia's capital Addis Ababa, August 6, 2016. REUTERS/Tiksa Negeri
Protesters chant slogans during a demonstration over what they say is unfair distribution of wealth in the country at Meskel Square in Ethiopia’s capital Addis Ababa, August 6, 2016. REUTERS/Tiksa Negeri
Policemen attempt to control protesters chanting slogans during a demonstration over what they say is unfair distribution of wealth in the country at Meskel Square in Ethiopia's capital Addis Ababa, August 6, 2016. REUTERS/Tiksa Negeri
Policemen attempt to control protesters chanting slogans during a demonstration over what they say is unfair distribution of wealth in the country at Meskel Square in Ethiopia’s capital Addis Ababa, August 6, 2016. REUTERS/Tiksa Negeri

10