WAR CUSUB:- Shirka Madasha Wadatashiga oo saaka soo xirmaya

0

Shirka Hoggaamiyaasha Siyaasada ee Soomaaliya ayaa soo xirmaya, iyadoo ay ka qeybgaleen inta badan Madaxda dawlad gobaleedyada iyo dawladda Faderaalka, waxaana looga hadlayay arrimaha ku saleysan doorashada dalka Soomaaliya.

Hogaamiyaasha ayaa isku raacay in mudo labo bilood ah lagu daro waqtiga ay dhacayso doorashada Soomaaliya, iyadoo ladhisayo xubnaha labada Aqal ee dawladda Faderaalka.

Dadaal dheer ka dib waxaa laysku raacay in aan marnaba dib loogu laaban doonin mudo kororsi dambe, waxaana jira gudaha dawladda Faderaalka kala aragti duwanaansho arrimahan ka taagan.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys wuxuu sheegay in shirkan marka uu soo dhamaado ay saxaafada la hadli doonaan qaar kamid ah madaxda Madasha Wadatashiga oo ay faahfaahin ka bixinayaan