Dowladda UK oo Xoojinaysa ciidamadeeda ka jooga dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

0

Dowladda Britain ayaa shaaca ka qaaday in ay sii laba jibaari doono howlgalada ay ka wado qaar ka mid ah dalalka Qaarada Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Dowladda Uk ayaa sheegtay in ay qeyb qaadan doono xasilinta iyo nabad kusoo dabaalida dalalka Soomaaliya iyo Nageria.

Waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya laga caawiyo la dagaalanka Argagixisada iyo sidoo kale horumarinta ciidanka dowladda Soomaaliya si ay ula dagaalamaan ururada argagixisada sida ay shaacisay wasaasada difaaca UK.

Dowladda UK  iyo Qaramada Midoobey oo iskaashanaya ayaa la sheegay in sare u qaadeen sanadkii la soo dhaafay tababarida iyo sidoo kale horumarinta ciidamada dalalka Nigeria iyo Soomaaliya sida lagu sheegay  war kasoo baxay wasaasarada difaaca UK.

” Waxaan diyaar u nahay inaan sii laba jibaarno jabinta iyo la dagaalanka ururada argagixisada , waxaan ka shaqeyn doonaa horumarinta iyo tababarida ciidamada dalalka Nigeria iyo Soomaaliya ” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha gaashaandhiga ee Ingiriiska Micheal fallon.

Dowlada Ingiriiska , ayaa sheegtay in ujeedka ciidamadeeda ay u joogaan Soomaaliya iyo Nigeria in  ay tahay in ay ka caawiyaan  dhinaca loojistikada,Caafimaadka  iyo tababarida ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda UK ayaa horay ciidamada ugu soo dirtay dalka Soomaaliya , kuwaa soo ay sheegtay in ay qeyb qaadan doonaan caawinta ciidamada dowladda Soomaaliya.