DHEGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Gobolka Gedo oo hardankii Siyaasadeed uuna ka dhamaanin iyo Xiisad ka taagan

0

Magaalada Garbahaareey Ee Gobolka Gedo mudooyinkii dambe waxa ka jiray Khilaaf ka dhashay Maamulka Magaaladaasi iyo cida qaban doonta.Shalay ugu dambeysay waxa Garbahaareey Xilka la wareegay Gudoomiye Cusub oo Maamulka Jubbaland ay usoo magacaabeen Halkaasi.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolkaasi ayaa sheegay inay u arkaan Jubbaland mid isku dir iyo dagaal ka dhex abuureysa dadka deggan Garbahaareey ayna kasoo horjeedaan Maamulka ay soo magacaabeen.

Isla Sabtidii shalay waxa kulan ku qaatay magaalada Garbahaareey Qeybaha kala duwan ee magaaladaasi deggan kuwaasi oo doortay Gudoomiye iyaga matela,waxaana hadda ay magaaladu leedahay Labo Gudoomiye mid walbana uu sharci inuu yahay sheeganayo.

HALKAAN KA DHAGEYSO