DHAGEYSO XASAASI:- Ma dhab-baa in la qabsaday Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo ?

0

Maamulka Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay wararkii saaka soo baxay ee ahaa in Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ay qabsadeen ciidamo kayimid magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf Saciid Cabdiraxmaan Yuusuf Dhagawayne oo Warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Garoonka ayaa sheegay in aan la qabsan garoonka, waxaana uu sheegay in amnifga garoonka ay gacana ku hayaan Ciidanka Difaaca dawladda Puntland.

Maareeyaha ayaa sheegay in Idaacado ku yaal Koonfurta Soomaaliya ay warkaas baahiyeen waxaana uu sheegay in garoonka shaqadiisu si habsami leh u soconayso, waxaana uu sheegay in saaka diyaaradihii saaka ka yimid garoomo gudaha dalka ah iyo dibada ay si nabad galyo ah uga soo dageen.

HALKAAN KA DHAGEYSO