DHAGEYSO XASAASI:- Dowlada Soomaaliya oo si Kulul uga hadashay inuu fashilmay Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

0

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa beeniyay in uu fashilmay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe , islamarkaan ay soo gabagabeyn doonto ka hor inta aysan dhicin doorashada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha ay kulan siin doonto siyaasiinta iyo waxgaradka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe , si ay uga wada hadlaan dhismaha maamulka labada gobol.

Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ayaa isku afgartey in deg deg loo soo dhiso maamulka ka dhexeyn doona gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

HALKAAN KA DHAGEYSO