DEG DEG+DHAGEYSO:- Boob iyo dhac ay ciidamada Dowlada ka geysteen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

0

Rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in dhac baahsan ay u geysteen Dukaamo ganacsi oo ku yaalla Xaafada Dabaqeynka ee Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo 8 Dukaan ayaa Raggan ku labisan dharka Ciidamada Dowladda waxey boob ugu geysteen Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah ganacsatada hantidooda la boobay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dhamaantooda lagu armay in ay isaga soo baxaay goobahooda ganacsi, islamarkaana la isugu keenay halmeel.

Waxaana intaasi kadib Raggii hubeysanaa ay qaateen ama dhaceen waxyaabihii dukaamadaasi yaalla haba ugu badnaadeen lacago cadaan ah, sida ay sheegeen ganacsatadaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Dharkeenleey ayaa sheegay in kiiskan uu soo gaaray islamarkaana ay wadaan baaritaano ku aadan soo qabashada Raggii ka dambeeyay dhacaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO