DAAWO:Safiirka Somalia ee Midowga Yurub “Baasabor ma aanu siin Ajanabi”.

0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Ali Sacid Faqi oo soo gaaray dhawaan magaalada Columbus Ohio ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warar ay soo daabaceen qaar kamid ah saxaafada Soomaalida iyo goobaha dadku ku sheekaystaan ee Social Media ha, kaas oo ahaa in saafarada Soomaaliya ee Biljam ay dad ajanabi ah siisay Baasaboorka Soomaaligaa, waxaase Safiirku uu arintaas ku tilmaamay mid la been abuurtay.

Halka warkan been abuurkaa uu ka yimid ayuu markale ku tilmaamy wargays ka soo baxa dalkaasi oo war been abuura qoray isla markaana ay dacwad ka gudbiyeen oo sharciga ay la tiigsan doonaan.

Waxa uu xusay in safaaradu aysan wax Baasaboor ah bixin balse ay jiraan dad doonaya in ay dhibaateeyaan jiritaanka qaranimada Soomaaliya, kuwaas oo aan marna ku farxayn sida uu hadalka u dhigay horumarka uu dalku hiigsanayo.

Waxa uu dhaliilay saxaafada Soomaalida oo uu ku sifeeyay kuwo wax dhibaateeya oo aan ka fiirsan waxa ay gudbinayaan.

 

HOOS KA DAAWO