DAAWO MUUQAAL:-Madaxweyne Xasan Sheekh oo Arimaha Doorashada kala Hadlay Itoobiya

0

Wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gelinkii dambe dib ugu laabtay Caasimada Soomaaliya Ee Magaalada Muqdisho.

Soo dhaweyn qurux badan ayaa loo sameeyey Wafdigaasi markii ay ka dageen garoonka Diyaaradaha Aadan Cade Airport iyadoo kadib loo galbiyey Xarunta Dalka Soomaaliya looga Arimiyo Ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Xubnaha la socday waxay magaalada Adis Ababa uga qeyb galeen Shirkii looga hadlayey Xasaradaha ka taagan Dalka Koonfurta Sudan iyo baaq loo jeediyey.

Xasan Sheekh ayaa waxa Adis ababa uu kula kulmay madax kala duwan islamarkaana uu kala hadlay xiriirka kala dhaxeeyo kagana mahad celiyey sida ay utaageersan yihiin Siyaasada iyo soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay R.wasaaraha Dalka Itoobiya Haila Mariam Desegln iyagoo ka hadlay doorka Itoobiya ka qaadan laheyd Doorashada Dalka ka dhici doonta.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=T4DDACJjAk4