DAAWO:- Maxaa ka soo baxay Shir Xasaasi ah oo ka dhacay Xerada Xalane Muqdisho ?

0

Saxaafada ayaa ogaatay in ay Midowga Africa & Beesha Caalamku ay hadda wada diyaarinayaan qorshe la xariira Hanaanka Amniga ee doorashada Soomaaliya, iyadoo hadda ay dhinacyadu qiimeynayaan sugida amniga guud.

Shir gaar ah oo dhexmaray AMISOM, Dawladda Faderaalka, Beesha Caalamka & Khuburo Reer Galbeed ah ayaa lagu falanqeeyey qaraxyada iyo weerarada hubeysan ee lagu qaadayo xarumaha dawladda Faderaalka.

AMISOM waxay doonayaan in ay la wareegaan masuuliyada amniga doorashada, laakiin Taliska ciidamada kala duwan ee dawladda Soomaaliya ayaa doonaya in hanaanka doorashadu uu noqdo mid si toos ah ay gacanta ugu hayaan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Khuburada Reer galbeedka iyo Qaramada Midowbay waxay horey u soo jeediyeen in ciidamo gaar ah oo Soomaali ah, loo xilsaaro doorashada iyadoo aysan ka marmeyn ciidamada Midowga Africa.

Ra’iisulwasaare kuxigeenka dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte (Qaalib) oo ka qeybgalayay shirkan ayaa ka sheegay in ay xukuumadu diyaarinayso hanaan doorasho oo dhameystiran, oo dhanka amaanka xooga la saarayo.

1 2 3 4 5 6 7 8 9