DAAWO:- Arrin aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo magaalada Brussels iyo Nin ku qeylinaya Magaca Alle oo la..

0

Nin Toorey ku hubeysan ayaa weeraray askar ka tirsan Booliska wadanka Biljium oo ku sugnaa meel ku dhow saldhiga booliska magaalada Charleroi oo 38 miles koonfur ka xigta magaalada Brussels.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay oo ku qeylinayey “Allahu Akbar” uu dhaawacyo u geystay labo askari oo midkood ay aheyd haweeney wejiga waxyeelo ay ka soo gaartay.
Askari sadexaad oo goobta ku sugnaa ayaa la sheegay inuu toogtay ninka weerarka soo qaaday oo u geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaaray rasaasta lagu furay.

Booliska ayaa sheegay iney baarayaan waxaa uu ahaa ninkan iyo halka uu ka soo jeedo dhalasho ahaan.

Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Charles Michel ayaa cambaareeyay weerarkan oo uu ku tilmaamay mid argaggixiso, wuxuuna soo gaabiyey fasax uu ku joogay wadanka Fransiiska sai uu axada beri ah kulan deg deg ah ula qaato golaha amaanka qaranka dalkiisa.

Booliska Biljium ayaa feejignaan sare la geliyey tan iyo markii dhowr bilood ka hor qaraxyo dad badan ku dhinteen lagu weeraray garoonka dayuuradaha magaalada Brussels iyo goob tareenka laga raaco.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

torey1 torey2 torey3 torey4 torey5 torey-624x463