TOP NEWS+DAAWO:- Dibedbaxyo Xoogan Oo Looga Soo Horjeedo Dowladda Itoobiya Oo Ka Dhacay Magaalada Addis Ababa iyo Magaalooyin.

0

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maanta oo Sabti ah ay bannaan-baxyo ka dhaceen magaalada xarunta u ah dalkaas ee Addis-ababa iyo magaalooyin ka tirsan gobolka Oroma.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Fagaare weyn oo ku yaalla bartamaha magaalada Addis-ababa inay isugu soo baxeen dad badan oo dibad-baxaya, Dadka bannaan-baxaya ayaa ka cabanaya tacaddiyo ay sheegeen in dowladda Itoobiya ay u geysatay qowmiyadda Oroma oo ah qowmiyadda ugu tirada badan qowmiyadaha uu ka kooban yahay shacabka dalkaasi.

Cutubyo ka tirsan booliska dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa waxaa la soo sheegayaa inay si xoog ah u kala cayriyeen dadka bannaan-baxayay, ayna xireen dad aan wali la xaqiijin tiradooda oo bannaan-baxayey, Sidoo kale Kala cayrinta dadkaas ayay wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen dad ka tirsanaa dadka isu soo baxay.

Dhinaca kale Magaalooyin kale oo ka tirsan gobolka Oromma ayaa iyagana waxaa ka dhacay dibad-baxyo kale oo ay dhigayaan dad Oromo ah oo ka cabanaya dowladda Itoobiya.

Bannaan-baxa ayaa waxaa ku baaqay hoggaamiyeyaasha dhaq-dhaqaaqa Orommada ee u dooda xuquuqda qowmiyaddaas, wuxuuna qayb ka yahay bannaan-baxyo Itoobiya ka billowday dabayaaqadii sanadkii hore ee 2015-kii, Dadka Orommada ayaa sheegaya inay ka ashtakoonayaan boqollaal qof oo ay sheegeen inay ka dishay dowladda Itoobiya.

Isku soo wada duuboo Dowladda Itoobiya iyo dhaq-dhaqaaqa Orommada ayaan wali faah-faahin sida ay bannaan-baxyadu u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay.

 

HOOS KA DAAWO

 

 

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media