TOP NEWS:- Boqolaal Tahriibayaal ah oo lagu xiray Magaalada Boosaaso

0

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay boqolaal Ruux oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan kuwaasi doonayay in Magaalada Boosaaso ay ka tahriibaan.

Tahriibayaashan ayaa laga soo qab qabtay koontarool hore ee laga soo galo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Taliyaha qeybta booliska ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland, Korneel C/xakiin Xuseen ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay qabteen 200 oo qof kuwaasi oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan.

Korneel C/xakiin Xuseen ayaa tilmaamay in Dadkan ay doonayeen in tahriib ahaa ay uga baxaan Magaalada Boosaaso.

Boqolaalkan Ruux oo lagu qab qabtay Magaalada Boosaaso ayaa su’aallo lagu weydiinayaa Saldhig boolis oo ku yaalla Magaaladaasi.

Maamulka Puntland ayaa inta badan xir xira Dad badan oo lagu tuhmo in ay qorsheenayaan in ay tahriib uga baxaan Dalka Soomaaliya.