Soomaalida ku nool Dalka Mareykanka oo ku dibadbaxay Donald Trump

0

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa dhigay dibadbax ka dhan ah Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump kadib markii uu weerar afka ah ku qaaday qaxootiga Somalida ee Mareykanka.

Trump oo soo xiganayey qoraal ay sameysay wargeyska Washington Times 2015kii, waxaa uu sheegay in Somaalida qaxootiga ku ah Minnesota ay shaqo la’aan heyso arrintaasna ay dhiirigelineyso kooxaha argagixisada in ay ka faa’ideystaan.

Iyadoo taasi laga jawaabayo, Waxaa magaalada ka dhacay dibadbax lagu diidan yahay siyaasadaha Donald Trump ee ku  aadan Somalida iyo Muslimiinta Mareykanka.

Ilaa 200 oo qof ayaa isugu soo baxay halkaas, dadkaas oo intooda badan oo caddaan ahaa ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Donald Trump.

Erayo ay ka mid yihiin” Jaceyl badan, Ma jiro naceyb, waxaan jeclahay dariskeyga” ayaa goobta looga dhawaaqayey, dadka qaar waxaa ay kor u qaadeen dastuurka dalkaas.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka Somalida ah ayaa muujiyay sida ay kaga xun yihiin hadalka Donald Trump, waxaana ay sheegeen inuusan hogaamin karin Trump dalka Mareykanka.

Waa markii labaad oo Donald Trump weerar Afka ah uu ku qaado dadka Somalida ah ee dalka Mareykanka ku nool.