DHAGEYSO:- Madaxweynaha Puntland oo sheegay in doorashada ay dib u dhacday, kuna dhawaaqay arrin u qarsooneyd Xasan

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegaya in ay suurta gal tahay in doorashada Soomaaliya lagu daro muddo dhan 2 bilood, islamarkaana uu dib u dhaca ku yimid doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Puntland aya sheegaya in aan lagu dari doonin doorashada wax ka badan 2 bilood.

Gaas ayaa sheegaya in guddiyadii loo baahnaa oo dhan ay dhisan yihiin, islamarkaana in ay doorashadu dhacdo ay ka dhiman yihiin waxyaabo yar yar  oo aan badney, sidaas darteedna ay soo suurta gal tahay in lagu daro muddo aan ka badneyn 2 bilood.

Hoos ka Dhageyso Codka:-