DAAWO+DHAGEYSO:-Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Kenya oo heshiis Ganacsi kala saxiixday.

0

Heshiis ganacsi ayaa dhexmaray maamulka Jubbaland iyo sidoo kale dowladda Kenya.

Gudoomiyaha Ganacsada maamulka Jubbaland Shaafi Raabi Kaashin ayaa sheegay in dowladda Kenya sidoo kale maamulka  Jubbaland uu dhexmaray heshiis ganacsi oo ku aadan in xuduudka Kenya iyo sidoo kale Soomaaliya  ay iska gudbi karaan Ganacsada labada dal.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in labada dal uu dhex maro ganacsi , madaam ay yihiin labo bulsho oo daris ah.

Dhawaan dowladda Kenya ayaa hakisay isku socodka dadka iyo sidoo kale ganacsiga xuduudka ka dhaxeeya Kenya iyo sidoo kale Soomaaliya ,waxaana taasi ay sababtay in uu istaago ganacsigii ka dhaxeeyay labada dal.

Xildhibaano ka tirsan dowladda Kenya ayaa ugu baaqay dowladda Kenya  in ay si deg deg u furto xuduudka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

 

kejub