DHAGEYSO:- Maamulka G/Banaadir oo taageeray Banaanbax maanta ka dhacay Muqdisho, kuna baaqay in la Cadeeyo Xuquqda Haweenka

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Madaxda Shirka Madasha wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho in ay shirkooda ku caddeeyaan Xuquuqda Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Max’ed Axmed Diiriye, oo ka qeyb galayay Banaanbax maanta ka dhacay Fagaaraha Daljirka daahsoon,Haweenkana ku dalbanayeen xuquuqda ay ku leeyihiin Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda Madasha looga fadhiyo ay ka hadlaan Maqaamka Muqdisho.

Maxamed waxaa uu sheegay in  xuquuqda Gobolka Banaadir aysan ahayn mid shaki la geliyo ama aan lagu murmin,waxaana uu madaxda ugu baaqay in ay caddeeyaan Meeqaamka iyo xaqa Muqdisho oo aan murun ku jirin.

Dhanka kale,waxaa uu ku baaqay in Dowladda Soomaaliya ay siiso xuquuqda 30% ee Saamiga Haweenka ee Siyaasadda,waxaana uu Haweenku ku sheegay in ay qaban karaan shaqadaasi.

Fagaaraha Daljirka daahsoon ee Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay Banaanbax ay soo qabanqaabiyeen Haweenka Gobolka Banaadir kaas oo lagu dalbanayay in ay Haweenka helaan koontada 30% ee Siyaasadda Dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-