DHAGEYSO:- Faah faahino ka soo baxaya Tiro Madaafiic ah oo Xalay ku soo dhacday Magaalada Beydhabo

0

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib madaafiic xalay lagu garaacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Al Shabaab ayaa xalay madaafiic Khasaare kala duwan geysatay waxa ay ku garaaceen Magaalada Baydhabo, waxaana la sheegaya in tiro dhan 6 madfac ay ku dhaceen meelo badan oo ka mid ah.

Wariye ku Sugan Magaalada Beydhabo ayaa ka wareysanay sida ay wax ugu dhaceen Magaalada Beydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-