DEG DEG:- Magaalada Addis Ababa oo weli mudaaharaadyo ka socda

0

Booliiska magaalada Addis Ababa ayaa kala eryay dad mudaaharaadayay waxayna xireen tiro ka mid ah.

Dadkaasi waxay ku isu soo baxeen fagaaraha ugu wayn magaalada.

Tiro dad ah ayaa iyagana dhaawacmay kaddib markii ay booliisku garaaceen.

Wadooyinka waawayn ee soo gala fagaarahaas waxaajid gooyooyin dhigtay booliiska faderaalka oo aad u hubaysan.

BBC-da ayaa aragtay dhallinyaro la xirayo oo qasab lagu saarayo gawaarida booliiska.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Mudaaharaadyo ay ka socdaan magaalooyinka kale ee gobolka Oromada, deegaankaas oo ah kan ugu ballaaran dalka Itoobiya.

Mudaaharaadkan waxaa ku baaqay dadka u ol’oleeya qawmiyadda Itoobiya ugu ballaaran ee Oromada.

Waxay sheegayaan in dawladdu dishay boqolaal dadkooda ah ayna xirtay kumanaan kale tan iyo markii ay mudaaharaadyadu bilawdeen bishii 11 ee sandkii hore.