WAR DEG DEG AH:- Banaanbax weyn oo hada ka socda Muqdisho iyo Madax sare oo ku sugan goobta Banaanbaxa

0

Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socda Banaanbax ay soo qaban qaabiyeen Ururada Haweenka dalka ka jira, waxaana ay isugu tageen Daljirka Daahson ee Magaalada Muqdisho.

Haweenka ayaa ujeedka ay u banaanbaxayaan waxa ay tahay inay Dowladda cusub ka helaan qoondada Haweenka ah ee ah 30% Siyaasada.

Haween badan oo la soo abaabulay ayaa ku dhawaaqaya erayo ku aadan helida qoondada haweenka ee dhanka Siyaasada, xilli Magaalada Muqdisho uu ka socdo Shirka looga hadlaayo Doorashada dalka.

Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayey ugu baaqeen haweenka inaysan ilaawin kaalinta Dumarka ee Siyaasada, maadaama Haweenka door muuqato ay ku leeyihiin Nabadda.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalaya Banaanbaxa ka socda Daljirka Daahson ee Degmada Boondheere.

Qaramada Midoobay ayaa horay ugu baaqday inaan la ilaawin kaalinta Siyaasada Haweenka, maadaama Haweenka lafdhabar u yihiin geedi socodka Siyaasada Somaliya.