DAAWO VIDEO:- Maamulka Khaatumo oo khilaaf Xoogan soo kala dhex galay

0

Shir jaraa’id ayaa waxa Magaalada Buuhoodle ku qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar waxa uuna sheegay in la garab maray iyaga oo ahaa Golihii Sharci dejinta Maamulkaasi.

Waxa uu Maxamuud Sh Cumar sheegay in Xubnaha kaga qeyb galay Magaalada Caynaba Shirkii ka dhacay ay ahaayeen kuwo ay is og yihiin keliya Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr.

Kulan deg deg ah ayaa loo ballamay in la iskugu yimaado Golaha Baarlamaanka Khaatumo si looga fariisto Arintaan soo korortay.

Waxa hadda muuqata Khilaaf soo kala dhex galay madaxda Maamulka Khaatumo iyadoona laga baqdin qabo bur bur ku yimaada maamulkaasi.

Wasiiro,Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kusugan Magaalada Caynaba waxa la sheegay inay wadahadal la fureen maamulka Soomaaliland oo ay doonayaan Nabad iyo Heshiis lagu noolaado.

Hoos ka Daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id:-