DAAWO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo shir Caalami ah ugu qeyb galay Dalka Itoobiya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa  gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, si ay uga qeyb-galaan  shirka madaxda urur gobolleedka IGAD oo halkaasi ka furmay.

Ajendaha ugu weyn ee shirka ayaa ah in wada hadal  lagu dhammeeyo colaadda ka dhallatay siyaasadda ee ka taagan Suutaanta Koofureed, iyadoo shirku ay joogaan wakiillo ka socda dhinacyada is haya, sidoo kale madaxda IGAD, ayaa ka hadlaya ammaanka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in masuuliyad weyn ay ka saran tahay dhammaan madaxda gobolka gaar ahaan dalalka IGAD in si dhab ah wax looga qabto xaaladda ka jirta waddanka Suudaanta Koonfuteed.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shirka furitaankiisa ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay meel gabogabo ah marsiineyso diyaarinta barnaamijka doorashooyinka Soomaaliya, isagoo sheegay in looga baahan yahay wadamada IGAD in ay gacan siiyaan howshaasi, isla markaana dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay fuliyo waxa ay raaliga ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Shirka dalalka IGAD, ayaa lagu wadaa in caawa uu soo gabogaboobo lagana soo saaro War-murtiyeed xal loogu raadinayo Dalka koonfurta suudaan iyo xaalada guud ee Wadamada ku bahoobay Ururkaasi.

Dhanka kalena madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulammo gaar-gaar ah la leh  madaxweyneyaasha shirkhirk akaqeyb-galay iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3 4 5 6