DAAWO:- Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Soomaaliya oo la filayo inay ku hawl galaan doonyaha dheereeya

0

Shirkadda Maraakiibta Farsameysa ee dalka Holland ayaa sheegtay inay  doonyaha dheereeya (Long Range patrol Vessels) u samaynayaan Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Somalia.

Danjiraha Somalia uga wakiilka ah Xarunta Midowga Europe, Ambassador Ali Saeed Fiqi ayaa booqday Xarunta Wershadda lagu farsameeyo Maraakiibta oo ku taallo magaalladda Rotterdam ee dalka Holland.

Danjiraha waxa uu u kuur galay heerka ay marayaan Doonyaha dheereeya ee loo farsamaynayo Ilaaladda Xeebaha ee Somalia.

Saraakiisha Wershadda lagu farsameeyo Maraakiibta ee dalka Holland oo  lagu magacaabo The Atlantic Marine and Offshore Group  ayaa sheegay inay heerkii ugu dambeeyey marayaan Barnaamiijka lagu dhisayo Doonyahaasi.

Saraakiisha waxay u sheegeen Ambassador Fiqi in Doonyahaasi la samayn doono  ka hor inta uusan dhamaanin sannadkan 2016-ka.

Doonyahaasi oo noocoodu yahay  “The Stan Patrol 5009” ayaa waxa uu midkiiba dhererkiisu dhan yahay 50 meter iyadoo ay raaci karaan 18 ilaa 26  ilaaladda Xeebaha.

Heshiiska lagu farsmaynayo Doonyaha loogu tala galay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Somalia waxaa la kala saxiixday bishii July ee sannadkii 2013-kii.

Heshiiska ay  Shirkadda The Atlantic Marine and Offshore Group ku diyaarinayso Doonyaha Ilaaladda Xeebaha ayaa qeyb ka ahaa Qandaraas ballaaran oo lagu dhisayo Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Somalia “The Somali Coast Guard.

Sidoo kale, Shirkaddaas laga leeyahay dalka Holland waxay dhisi doontaa, isla markaana qalabayn doontaa Markabka Ilaaladda Xeebaha, Horumarinta Xarunta Tababarka Ilaaladda Xeebaha, Saraakiisha Ammaanka iyo in magaalladda Muqdisho laga dhiso  Saldhig  Xeebta oo loogu talagalay Taageeradda Hawlaha Badda.

Shirkadda The Atlantic Marine and Offshore Group waxay kaloo dhisi doonaan Saldhig  Hawleed oo leh Tas-hiilaadka Dayactirka Maraakiibta iyo Qalabka Sirdoonka ee dhinaca Baddaha.

Dowladaha Maraykanka, Turkiga iyo Midowga Europe ayaa maalgelinayo Tababarka iyo Qalabaynta Ciiddanka cusub ee Ilaaladda Xeebaha Somalia.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

33 22 11