Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliyaoo Jidka loo galay, khasaarana la gaarsiiyay

0

Ciidamo Maleeshiyaad ah ayaa rasaas khasaaro geysatay waxey maanta ku fureen Gaari nuuca raaxada oo ay la socdeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo mararay nawaaxiga Degaanka Garasbaaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Rasaastan lagu furay Ciidamada ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Degaanka Garasbaaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in rasaastaasi lagu dhaawacay hal askari halka Dadka Degaanka ay xaqiijiyeen in ay arkeen Meydka hal ruux.

Maamulka Degaanka ayaa shaaca ka qaaday in cabasho ka dhan ah Ciidamadan maleeshiyaadka ah ay u gubiyeen Hay’adaha amaanka islamarkaana wax laga qaban doono sida ay hadalka u dhigeen.

Maleeshiyaadkan rasaasta furay ayaa sida la sheegay waxaa jidgooyo ay dhigteen nawaaxiga Degaanka Garasbaaleey ee Duleedka Caasimada Soomaaliya.