XOG: Xasan Sheekh Oo Diyaariyay Qorshihii Uu Uga Taqalusi Lahaa Axmed Macalin Fiqi, Tarsan Iyo Salaad Cali Jeelle.

0

Warar lagu kalsoon yahay oo ka soo baxaya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu dareen gaar ah ka muujinaayo talaabooyinka lagu carqaladeynaayo siyaasadiisa oo ay hormuudka u yihiin Seddex Siyaasi oo si ba’an kaga soo horjeeda Siyaasadiisa.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Madaxweyne Xasan uu diyaariyay qorshoyaal uu uga taqalusayo Seddexda Siyaasi ee kala ah:

1- Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
2- Axmed Macallin Fiqi
3- Salaad Cali Jeelle

Madaxweyne Xassan ayaa caqabad Siyaasadeed u arka seddexdaasi mas’uul oo si ba’an kaga soo horjeeda iyaga oo warbaahinta u mariya dhaliilo kala duwan islamarkaana ku ifiya kuwa Xassan ka mashquulsan.
Xiliyada ay seddexdaasi mas’uul la hadlayaan saxaafada ayaa waxa ay sheegen in Xassan Sheekh uu ku fashilmay siyaasada Somalia, isla markaana caado iyo dhaqan ay dowladiisa ka dhigatay musuq-maasuq iyo caadeysiga eex.

Sidoo kale, mas’uuliyiintaani ayaa maalin ka hor saxaafada ka sheegay in Xassan Sheekh ay ugu baaqayaan in Villa Somalia uu baneeyo isla markaana uu soo wareejiyo hantida guud, ilaalada, gawaarida, mansib sharafeedka iyo wax walba uu umadda u hayo September 10, 2016-ka.

Dhinaca kale Madaxweyne Xassan ayaa goor sii horeysay Odayaasha Hawiye ku dacweeyay Seddexdaasi mas’uul isaga oo ka cabanaayay in caqabad ay ku yihiin Siyaasadiisa gaarka ah, Odayaasha Hawiye ayaan ka jawaabin dacwada Xassan Sheekh, inkastoo ay u ballanqaaden inay la hadli doonaan hadana ma jirin wax talaabo ah oo ay qaaden odayaasha.

Isku soo wada duuboo qorshayaashan uu Madaxweyne Xassan Sheekh la damacsan yahay Siyaasiyiintan ayaa ahayn wax ku cusub magaalada Muqdisho, waayo horey ayaa loo arkay amaba looga fuliyay magaalada Muqdisho, qorshayaashan ayaa waxa ay noqon karaan laba sida Ilo wareedyadeena inoo xaqiijiyeen mishino isugu jira weeraro qaarajin ah iyo xarig isaga oo u cuskanaayaqodobka ah  inay qal qal galinayaan geedi socodka Nabadda Soomaaliya iyo doorashada, waxaase la yaab leh Madaxweynaha Waqtigiisa gabaabsiga yahay cida uu uga siiban doono fulinta qorshayaashan guracan ee lagu dhibaateenayo Siyaasiyiinta diidan isaga iyo siyaasadiisa.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media