DHAGEYSO+WAR SAXAAFADEED:- Xisbiyada Siyaasadeed oo ku baaqay in la dhiso Xukuumad la wareegta talada Dalka Soomaaliya

0

Kulan shirwayne ay soo qabanqaabiyeen Isbahaysiga Xisbiyadda Siyaasadeed kaas oo dhacay 04/08/2016, ayna ka soo qeybgaleen madaxda xisbiyada siyaasadda dalka, musharixiin u taagan xilka madaxweyne, aqoonyahan iyo qeybaha bulshada, kulankaasoo looga wada hadlayey “xilliga kala guurka siyaasadeed ee uu dalku marayo”. Isbahaysigu wuxuu si wayn u dhaliilay gaabinta hawlgabka ah ee Madaxda Dawladda Federaalka ah ee ku aaddan maareynta hawlaha la xariira xilliga kala guurka   siyaasadeed.

Wuxuu Isbahaysigu walaac ka muujiyey dib u dhaca  ku  yimid doorashooyinkii labada gole ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee la qaban lahaa bilaha July, August iyo September ee Sanadkan 2016-ka. Haddaba Isbahaysigu wuxuu masuuliyadda dib u dhaca doorashooyinka ku yimid dusha uga tuurayaa Madaxda Fulinta ee Dawladda Federaalka. Hadaba Isbahaysigu wuxuu isku raacay go’aanka soo  socda

Iyadoo la raacayo :

“Qodobka 60aad ee Dastuurka Federaalka ee tilmaamaya Muddada xilhaynta Baarlamaanka Federaalku oo ah afar sano oo ka bilaabata maalinta natiijada doorshada lagu dhawaaqo taasoo ku aadan 20ka August ee 2016 ka”

“Qodobka 91aad ee Dastuurka Federaalka kaasoo tilmaamaya in Muddada Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu xilka haynayaa  ay tahay muddo afar (4) sano ah oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo taasoo ku eg 09 Sept.”

Go’aanka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 2232 (2015) ee tilmaamayey in aan muddo kordhin loo samayn karin hay’adaha sharci dejint iyo fulinta ee Dawlada Federaalka ah iyo go’aanadii isdaba-joogga ahaa eek a soo baxayey shirirkii madasha wadatashiga qaranka.

Hadaba Isbaheysiga Xisbiyada siyaasadda dalku waxa ay hoosta ka xariiqeen in madaxweynaha iyo golaha barlamaanku marka uu waqtigooda dastuuriga ah dhammaado in aysan sharci aheyn waqti kororsi kasta oo ay  sameystaan, muddo kasta oo ay noqoto, ayadoo loogu baaqayo in ay banneeyaan xafiisyada, isla markaana wareejiyaan hantida qaranka ee ay gacanta ku hayaan ayagoo la soo mid noqonaya musharixiinta kale ee u tartamaya xilalka waaweyn ee dawladda.

Isbahaysigu wuxuu soo jeedinayaa in la dhiso xukuumad xil sii hayn (caretaker government) marka ay dhamaato muddada dastuuriga ah  ee hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta. Xukuumadaas waa in hogaamiyaan xubno xirfadlayaal (technocrat) ah, magacna ku leh bulshadda dhexdeeda. Xubnahaas waa in aysan wax xil ah ka damcin doorashooyinka labadda gole iyo ta madaxweyne.

— DHAMAAD —

Hoos ka Dhageyso Codka:-