TOP NEWS: Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Iyo Madaxdii Ka Qayb Galeysay Oo U Qaybsamay Laba Garab .

0

Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxdii ka qayb galeysay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ay u Qayb sameen laba garab oo ku baratamaya awooda dalka.

Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ayaa la sheegaya in ay isku fahmi waayeen qodobo dhowr oo ay ka mid yihiin xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka hoose u matalaaya. Degaanka ay maamusho Dawlada somaliland arinkan oo ah Qodob adag.

Madaxda Somaalida ayaa inta badan shirarka ay isugu yimaadaan waxay inta badan isugu khilaafaan arimaha markaas taagan ay ka hadlayaan balse,waxaa ukala gar qaada Madax ka socota beesha Caalamka markay is qabtaan.

Shacabka soomaaliyeed ayaa wel-wel xooggan kaqaba inay suurta gal tahay in doorashadu xiligeedi ku dhacdo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa olole ballaaran ugu jira sidii uu u soo laaban lahaa Kursiga madaxtinimada wadanka soomaaliya arinkan wuxuu keenay in mucaarad badan ay yeelato Dawlada Faderaalku. Taas oo loo arkay dawlad hal Qof awoodii Gacanta u Gashay .

Shirka madasha Qaran waxaa is hor Fadhiya Labo kooxood dan gaar ah ka leh goobta madashada.

A) koox waa kuwa ogal in madaxweyne xasan sheekh markale la soo doorto
B) kooxda kalena waxay doonayaa in madaxweyne cusub oo siyaasad cusub wata la doorto.

Isku soo wada duuboo Ciyaartan siyaasadeed waxay keenaysaa in koox kamid labadan kooxood ay ku guulaysato fikirkeeda siyaasadeed ee ay aamin san yihiin .

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media