DHAGEYSO:- Soomaali badan oo lagu xir xiray dalka Masar iyo Muran ka dhashay

0

Ugu yaraan 45 muhaajiriin ah oo ay ku jiren 25 Soomaali ah ayaa lagu xiray magaalada Alexandaria ee dalka Masar sida laga soo xigtay saraakiisha dowladda Soomaaliya ee dalkaasi.

Muhaajiriinta Soomaalida ah ee la qabtay waxaa ku jira Haween iyo carruur waxaana lagu xiray xabsiga dhexe ee magaalada Alexandaria

Dadkan la xir xiray ayaa laga qabtay agagaarka xeebta Masar iyaga oo doonayay in ay doon ka raacaan,waxaana ay ku sii wajahnaayeen dhinaca qaarada Yuurub.

Waxaa jira tiro kale oo Soomaali ah oo iyagana ka baxsaday intii uu socday howlgalka lagu xir xiray muhaajiriintaasi,inkastoo aan la xaqiijin karin tirada inta ay dhan yihiin.

Dowlada Masar ayaa wada howlgalo ka dhan ah dadka tahriibayaasha ah ee nafsadooda ku biimeynaya qatarta badda si ay u gaaraan Yurub.

Muddooyinkii dambe waxaa soo badanayay Tahriibiyaasha wadamada Afrika ka soo kala jeeda ee doonaya inay ka tahriibaan dalka Masar si ay ugu sii gudbaan Libya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-