TOP NEWS:Somaliland oo sheegatay in Wasiirro ka tirsan Maamulka Khaatumo ay isku soo dhiibeen+Akhriso Magacyada Wasiirada

0

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Mas’uuliyiin Miisaan Culus ku leh Maamulka Khaatumo State oo wata Gaadiid dagaal ay isku soo dhiibeen Maamulka Somaliland gaar ahaan ay iska dhiibeen Magaalada Caynabo.

Warbaahinta Somaliland ayaa Baahisay in Mas’uuliyiinta Khaatumo ee ku soo biiray Somaliland oo ay ku jiraan Wasiirro Xilal ka haya Maamulka Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Caynabo islamarkaana ay halkaa kula kulmeen Madax ka tirsan Somaliland.

Dhanka kale Maamulka Khaatumo ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta gaaray Magaalada Caynabo ee ka socda Maamulka Khaatumo ay yihiin kuwo halkaa wada-hadal u aaday,iyadoo wada hadalku uu la xariiro in ay Heshiiyaan Maamulada Khaatumo iyo Somaliland.

Halkaan Hoose ka Akhriso Magacyada Mas’uuliyiinta Khaatumo ee la sheegay in Somaliland ay isku dhiibeen.

1 Wasiirka Aminiga Khaatumo Kayse Abdi Yuusuf
2 Wasiirka Arimaha Dibada Maxamuud Ismail Shabac
3 Ex Wasiirkii Hore Arimaha Yaasiin Axmed Sulub
4 Ex Xildhibaan SSC Hore Xariir Awcali
5 Qurba Joog Bahir Mahdi Xubnin
6 Caaqil Axmed Xasa X Cumar( Xubni)

Dhanka kale wali ma jirto Illo ka Madax banaan labada dhinac oo cadeyn kara Hadalka Labada Maamulka soo kala baxay.