Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Degmada Lafoole

0

Allaha u naxariistee waxaa xalay Deegaanka Lafoole ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose lagu dilay Nabadoon C/rashiid Xasan Daxyaal, oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Deegaanka.

Rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa Nabadoon C/rashiid Xasan toogtay, wax yar uun ka dib, markii uu Salaadda Cishaha ku soo tukaday Masaajid u dhow hoygiisa.

Raggaan oo lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa dilka ka dib u suurtagashay inay ka cararaan halkii ay ku dileen marxuumka.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Dowladda Somaliya oo gaaray halkii lagu dilay Nabadoon Daxyaal, ayaa waxay ka sameeyeen hawlgal ka dhan ah dembiilayaasha.

Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay ku daba jooggaan dembiilayaasha.

Cumar Carabey, ayaa ku waramaaya in dilka Nabadoon Daxyaal ay ka dambeeyeen laba nin oo ka tirsan mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa 2-dii bishaan lagu eedeeyay dil nin Nabadoon ahaa loogu gaystay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo. Nabadoon Idiris Cabdi Aadan iyo nin kale oo la socday ayay dabley ku weerartay xaafadda Buurta.