Maxkamad amartay in la soo xiro Fathullah Gulen

0

Maxkamadda Magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga ayaa amartay in  la soo xiro Fethullah Gulen oo fadhigiisu yahay Dalka Mareykanka.

Fethullah Gulen ayay Dawladda Turkigu ku eedeysay inuu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay bishii hore, waxaana Dowladda Maraykanka loogu baaqay in la soo gacangaliyo.

Gulen ayaa beeniyey inuu ku lug lahaa afgambiga ama uu ka warhayey inta uusan dhicin ka hor 15-kii July ee sanadkan.

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa mar dhow sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay kala goyso dhammaan xiriirada ganacsi ee kooxda Gulen oo uu ku tilmaamay inay gacmaha dhiig kula jiraan, isagoo intaasi ku daray in Kooxdaasi  lacag kasta oo gasha ay ka dhigan tahay xabad lagu soo riday Qaranka Turkiga.