TOP NEWS:-Maxaadan ogeyn oo ka Cusub Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socda?..

0

Waxaa weli ka socda Magaalada Muqdisho Shirka Madasha wada-tashiga oo Saddexdii Bishaan ka furmay Madaxtooyada Soomaaliya,kaas oo la filayay in Xalay la soo gaba gabeeyo.

Hogaamiyaasha Madasha ee Muqdisho ku shirsan ayaa weli ka doodaya Waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo Doorashada Soomaaliya ee Sanadkaan.

Warar kala duwan oo laga helayo Shirka ayaa sheegaya in Hogaamiyaasha ay mar soo jeediyeen in Doorashooyinku ay dhacaan Bilaha September iyp October ee Sanadkaan,iyadoo Bisha September la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka,halka Bisha Octoberna la dooran doono Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Qaar kamid ah Hogaamiyaasha ayaa qaba in Mudo Sanad iyo wax la jira loo kordhiyo Dowladda hadda jirta si loo dhameystiro waxyaabaha dhiman.