Mareykanka oo beeniyay Arrin Dowladda Iran ay shaacisay

0

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa si weyn u beeniyay in dalkiisa uu Iran siiyay 400 oo milyan oo dollar, si ay usii deyso maxaabiis Maraykan ah.

Balse waxa uu sheegay in lacagtaasi Iran loo siiyay si loo soo afjaro muran toban sano ka badan ka taagnaa agab milateri oo ciladdi ku timid, kaasoo uu Maraykanka horay uga iibiyay xukuumadda Tehran.

Bixinta lacagtaasi ayaa kusoo beegantay xilligii ay dalalka adduunka ugu taagta roon heshiiska nukliyeerka la galayeen dalka Iran, iyo maxaabiis kala bedelasho lagu sii daayay afar muwaadhin oo Maraykan ah.

Xisbiga jamhuuriga, gaar ahaan musharraxiisa Donald Trump, ayaa xukuumadda Maraykanka ku dhaliilay xilliga ay lacagta bixisay.

John Kerry ayaa ku adkeysanaya in Maraykanka aanu wax madax furasho ah bixin.