Madaxweynaha Puntland oo sheegay in laga yaabo in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dib loo dhigayo doorashadii Madaxda Soomaaliya iyo hay’adaha dawliga ah ugu yaraan laba bilood.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA ayuu ku sheegay in inkastoo aysan madaxdu isla gaarin heshiis kama dambays ah laakiin uu aamisan yahay in qorshaha doorashooyinka lagu dhammaystiri karo laba bilood.

Gaas oo ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ka qeybgalaya shirka ayaa sidoo kale sheegay in dhaqaalaha ku baxaya doorashada ay tahay mid ay si wadajir ah u bixinayaan beesha caalamka iyo soomaalida.

“Waxa ay u baahan tahay farsamo gaar ah dhamaystirka labada gobol wayna socotaa waxaana aan rajeynaynaa in labo bilood lagu soo dhamaystiro dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe,haddii ay dhismi waayaan waxa ay la mid noqon karaan Somaliland ama si farsamo ah loo dhamaystiro.”ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo la weydiiyay sida laga yeelayo arrimaha labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha Puntland Cabdweli Maxamed Cali ayaa rajo ka muujiyay in shirka Madasha uu dhamaado maalinta Axada ee soo socota,waxana uu beeniyay in wax wadahadal ah oo ku saabsan maamulka Khaatumo loogaga hadlay shirka.