TOP NEWS:-Maamulka Khaatumo oo Wafdi heer Wasiiro ah u diray Somaliland

0

Wasiirka Warfaafinta maamulka Khaatumo Axmed Xaaji Cali ayaa sheegay in Maamulka Khaatumo ay Wafti u Direen Dhinaca Somaliland Waftigaasi ayaana ka kooban Wasiiro iyo Siyaasiyiin Horay Xilal uga soo Qabtay Maamulka Khaatumo.

  1. Wasiirka Amniga ee Maamulka Khaatumo Keyse Cabdi Yuusuf.
  2. Wasiirka Arrimaha dibada Maxamuud Ismaciil Shabac.
  3. Ex Wasiirkii hore Arrimaha dibada Yaasiin Axmed Sulub.
  4. Ex Xildhibaan SSC Xiriir aw cali
  5. Qurba joog Bahir Mahdi Xubin.
  6. Caaqil Axmed Xasan Xubin.

Wafdigaan ayaana Xalay gaaray Degnada Caynaba Waxaana Lagu Wadaa inay Kulamo Hordhac ah ay la Qaadan Doonaan Wasiiro ka Tirsan Maamulka Somaliland oo Saaka Halkaasi imaan Doona.

Dhanka kale Warar kale ayaa sheegaya in Dadka ku sugan Magaalada Buuhoodle ay ka soo horjeesteen Wafdiga loo diray Somaliland, kuwaas oo sheegay in Arrintaas in Madaxweyne Cali Khaliif ay gooni u tahay.