Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha oo Warbixin ka soo saartay Xaalada Soomaaliya

0

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ee uu Fadhigeeda Dhexe ku yaallo magaalladda New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inay Dowladda Federalka tallaabo kooban ka qaaday sidii loo soo dacweyn lahaa dadka Tacadiyadda ka geysta Somalia.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay Maxkamadayntii ugu horreysay ee maalintii Talaadada  ee la soo dhaafay la soo tagaay Askar ka tirsan AMISOM, iyo iyadoo Warbaahinta markii ugu horreysay lagu casuumay inay dhegeystaan Dacwadaasi.

Human Rights Watch waxay kaloo sheegtay inay diiwaan geliyeen Tacadiyadda ay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM u geysteen Gabdho iyo Haween Soomaaliyeed iyo dilka dad rayid ahaa.

Qoraalka waxaa kaloo lagu muujiyey inaysan Ciiddanka Uganda keliya ahayn kuwa Tacadiyadda ka geysta Somalia, iyadoo Dowladaha kale ee ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia ay muujiyeen wax yar oo Isla Xisaabtan ah.

Hay’adda Human Rights Watch waxay kaloo soo dhaweysay Uganda oo muujisay inay suurtogal tahay haddii ay Siyaasad jirto in wax kasta la samayn karo.

Hay’addu waxay ugu baaqday Midowga Afrika, Deeq-bixiyayaasha taageera Hawlgalka AM,ISOM iyo Dowladda Somalia  inay  horey u riixaan sidii Ciiddamada Dowladaha kale ka socda u mari lahaayeen Qaabka Maxkamadayntaa Askarta gaboodfalka ka geysta Somalia.

Warbixinta Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch waxaa lagu soo gebagebeeyey in mudnaan isku mid ah iyo Caddaalad helaan dhamaan Dhibanayaasha Tacadiyadda kala kulma Ciiddanka AMISOM.

Dhinaca kale, Cilmi-baare ka tirsan Human Rights  oo 2 sanno ka hor Tacadiyadda ay AMISOM  u geystaan dadka Soomaalida kala sheekeystay Qareeno iyo Garsoorayaal u kala dhashay UUganda, Kenya iyo Burundi.

Garyaqaan u dhashay Uganda ayaa tilmaamay haddii aan Markhaati loo helin Dacwadaha Tacadiyadda in daaqada laga tuuro Kiisaskaasi.