TOP NEWS:-Dowladda Soomaaliya oo bilaabaysa Howlgalkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab lagaga saarayo guud ahaan Dalka

0

Taliyeyaasha Qeybaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ayaa isku raacay in ay dib u abaabulaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo si wadajir ah looga fulinayo deegaanada Al-shabaab ay kaga harsanyihiin qaar kamid ah gobalada dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay hoggaaminayaan howgalka cusub ee Al-shabaab looga Xoreynayo Soomaaliya.

General Maxamed Aadan Axmed ayaa ku boorriyay Saraakiisha dowladaha Saaxiibada la ah Soomaaliya in ay xoojiyaan dib u dhiska ciidamada Xoogga Soomaaliya, si ay amaanka dalka u hantaan marka lagaaro ka bixitaanka ciidamada AMISOM dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Cismaan Nuur Subagle ayaa sheegay in dagaalka Al-shabaab uu yahay mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah islamarkaana aysan jirin awood ay isaga difaaci karaan howlgalka ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM.