TOP NEWS:-Dowladda Masar oo sheegtay in ay dishay hogaamiye Sare

0

Miletariga Masar ayaa sheegay in ay ku dileen weerar dhanka cirka ah hoggaamiyaha koox xiriir la eh ururka dowladda Islaamiga, oo ka dagaallama gacanka Sinai, iyo sidoo kale dagaalyahanno badan oo ka tirsan kooxdaasi.

Bayaan ay soo dhigeen miletariga dalkaasi barta ay ku leeyihiin Facebook ayaya ku sheegeen in Abu Duaa al-Ansari, lagu dilay weerar ka dhacay deegaan ay kooxda ku xooggan tahay oo u dhow magaalada Arish, oo ah magaalada ugu weyn gacanka Sinai.

Miletariga ayaa sidoo kale sheegay in 45 kale oo mintidiin ah ay ku dilen duqeynta, isla markaana hub iyo rasaas bakhaaro ku jiray ay burburiyeen.

Kooxdan ma aysan xaqiijin sheegashada miletariga Masar, taasoo si joogta ah weerarro uga geysan jirtay gobalkaasi muddo sanado ah.