DHAGEYSO WAREYSI:- Goorta la soo gabagabeynayo Shirka ka soconayo Muqdisho oo la shaaciyay iyo Xasan Sheekh oo Dalka ka dhoofay

0

Magaalada Muqdisho waxaa 3-dii Bishan ka furmay shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo Hanaanka Geeddi socodka iyo xilliga ay dhaceyso Doorashada la filayo in sanadkan dalka ay ka qabsoonto.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo sidoo kale xubno ka socda Beesha Caalamka.

Madaxda dowladda ayaa horey u sheegay in shirkan uu socon doono labo maalmood, balse qodobada qaar oo ay ku kala qeyb sameen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ayuu waqtigii loogu talagalay ku dhaafay.

Ilo xog ogaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in shirkan la soo gaba gabeyn doono 7-da Bishan August, waxaana laga soo saari doonaa War-murtiyeed uu ku cad yahay xilliga ay dhaceyso Doorashada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminyao ayaa saakay u amba baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya isagoo halkaasi kaga qeyb galaya shir looga hadlayo xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.

Madaxweynaha ayaa marka uu ka soo qeyb galo shirka halka maalin ka soconaya dalka Itoobiya waxa uu dib ugu soo laaban doonaa Soomaaliya si uu u soo xiro shirka Madasha Qaran oo Muqdisho ka socda.

Hoos ka Dhageyso Wareysi Wariye laga Wareysanayo Shirka:-