TOP+DHAGEYSO:- Musharax Cabdiraxmaan CabdiShakuur oo si cad u sheegay in dowladda ay ku Fashilmatay in dalka ay doorasho ka dhacdo waqtigii loogu tala galay

0

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in sanadkan dalka aysan ka dhici karin doorasho maadaama waqtigii Doorashada la filayay in ay dhacdo la joogo.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada hada ay wax walbo qabaan karaan oo ay awood u leeyihiin in ay dhacdo Doorashada waqtigeeda balse arintaasi aysan daacad ka aheyn.

Waxa uu sheegay in dowladda hada jirta ay dooneyso in waqti kordhin gaareysa 2 Bil ilaa iyo 3 Bil loo sameeyo balse arintaasi aysan aheyn mid suuragal ah.

Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa Muqdisho ku shirsan weli waxaana laga sugayaa in ay ku dhawaaqaan xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso Doorashada Soomaaliya, waxaana shirkan Madasha Qaran uu yahay midkii ugu dambeeyay ee ay ka yeeshaan Doorashada 2016-ka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-