DHAGEYSO:- Magaalada Jowhar oo mar kale dib ugu furmayo Shirka Maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo Masuuliyiin ku Wajahan

0

Maamulka Gobolka Sh.Dhexe, ayaa shaaca ka qaaday in todobaadka soo uu dib u furmi doono Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe oo in muddo ahaa hakad ku jiray.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Sh.Dhexe, Daa’uud Xaaji Ciro ayaa sheegay in markale la isugu imaanayo Shirka Maamul u sameynta labada Gobol, islamarkaana uu ka furmayo Magaalada Jowhar.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Afhayeen Daa’uud waxuu tilmaamay in Magaalada Jowhar ay ka socoto qaban qaabo xoogan oo ku aadan Shirkaasi, waxuuna qeexay in ergada Gobolka Hiiraan ay ku wada sugan yihiin Magaalada Jowhar.

Afhayeenka ayaa carabka ku adkeeyay in ay jiraan labo Ugaas oo diidan ka qeyb galka Shirkaasi balse Ururka Goboleedka IGAD iyo Madaxda Dowladda ay ku howlan yihiin sidii looga dhaadhicin laa Ugaasyadaasi ka qeyb galka Shirka.

Shirka Magaalada Jowar ee la doonayo Maamul mideysan loogu dhiso Hiiraan iyo Sh.Dhexe ayaa waxaa ku yimid hakad kadib markii Ugaasyada iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan ay ka soo horjeesteen qaabka ay u socotay dhismaha Maamulkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-