TOP+DHAGEYSO:- Maamulka Khaatumo oo ka soo horjeestay Shirka ka soconayo Muqdisho, go’aana ka soo saaray

0

Wasiirka Warfaafinta Maaamulka Khaatumo State Axmed Xaaji Cali ayaa sheegay in aysan raali ka ahayn Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka soconayo.

Wasiirka ayaa sheegay in Maamulka Khaatmu uu ka soo horjeedo shirka Muqdisho ka soconayo isla markaana aysan aqbali doonin wixii ka soo baxa.

Waxa uu tilmaamay in Maamulka Khaatumo aan laga tala gelin wada hadalka iyo goobta go’aan lagu gaarayo.

Waxaa jira dood adag oo ka taagan qaabka lagu soo xulayo Xildhibaanada ka imaanaya gobolada Sanaag iyo Sool.

Hoos ka Dhageyso Codka:-